XASAN NASRULLAH: 40 SANO AYUU HADH IYO HOYAAD U DIIDAY ISRAA’IIL

0
Xasan Nasrullah: 40 sano ayuu hadh iyo hoyaad u diiday Israa’iil
Xasan Nasrullah: 40 sano ayuu hadh iyo hoyaad u diiday Israa’iil

War rasmi ah oo ay bartooda Telegram ku faafiyeen ururka Xisbullaah ayaa lagu xaqiijiyey geerida hoggaamiyihii xisbigaas mudane Xasan Nasrullah, oo ku geeriyooday duqayn culus oo dhanka cirka oo lagula beegsaday isaga iyo hogaamiyayaal kale oo ku sugnaa koonfurta magaalada Bayruut oo saldhig muddo dheer u ahayd hoggaanka Xisbiga iska caabinta.

“Xurmadle, Madaxii Iska caabinta iyo hugaamiyihii dhowrsanaa, waa uu geeriyooday waxa uuna la joogaa rabigiis,” ayaa lagu yiri warka.

Israa’iil ayaa goor sii horaysay markii ay fulisay duqayanta waxa ay warbaahinta u sheegtay in ay dileen Xasan Nasrullah oo shir la qaadanaya musuuliyiin sare oo ka tirsan xisbigiisa. Sir doonka Maraykanka ayaa iyaguna faallo ka bixiyey nooca weerarka iyo in 90% ay suura gal tahay dhimashada Hoggaamiyuhu. Iraan ayaa iyaduna dhankeeda shaacisay kolkiiba in ay lumisay xiriirkii talefoonka ee ay la lahaayeen Xasan Nasrullah.

Weerarka ayaa yimi xilli aan la filayn oo uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ka hor khudbadaynayey Qaramada Midoobay, waxa kale oo socday wadahadal u dhexeeya iraan iyo Israa’iil oo uu gar wadeen ka yahay Maraykanku, kuwaas oo u jeedadoodu tahay in lagu qaboojiyo xaaladda. Arrimahaas oo dhan waxay dhanka xisbullah ku keentay isdhigasho xoog leh.

Waxaa hore israa’iil u fulisay weeraro ay ku beegsatay saraakiisha darajada 1-aad iyo 2-aad ee Xisbullah, iyo hogaamiyayaal qaali ah oo xisbiga laf-dhabar u ahaa, sida: Fu’aad Shukur, Ibraahiim Caqiil iyo Ibraahiim Al-Qumays, dhacdooyinkan waxay daaha ka qaadeen in israa’iil ay aad ula socoto dhaq-dhaqaaqa madaxda iyo hoggaamiyayaasha xisbullah iyada oo adeegsanaysa tiknoloojiyad casri ah iyo jawaasiis ay ku dhex beeratay.