Thursday, September 19, 2024
28.9 C
Mogadishu

XASAN SHEEKH OO GO’AANSADAY DAGAAL TOOS AH OO UU LA GALO SOMALILAND

Hordhac

(Muqdisho, Isbahaysi) Ka dib doorashadii 15 May 2022 ee uu ku soo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uu la kowsaday iscaashaqsanaan siyaasadeed oo kala dhaxaysa saddex geesoodka Xasan Sheekh, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Muuse Biixi, taas oo gaartay heer gabadha Madaxweynaha Jabuuti uu Madaxweyne Xasan Sheekh u doono Saadaq Joon oo isku beel yihiin, halka uu Muuse Bixii Bixiyey gabadha Madaxweyne Geelle.

Maalmihii dagaalka ba’an uu ka socday magaalada Laascaanood waxaa magaalada Muqdisho laga abaabulay xubno ay abaabulkooda ka shaqaynaysey Hay’adda NISA kuwaas oo magaalada Hargeysa loogu diray safar ujeedkiisa lagu sheegay Hiil-Irir, taasoo sare u sii qaadday xiriirka Xukuumadda Xasan Sheekh iyo maamulka Somaliland.

Sidoo kale, ka dib markii ha’adaha caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha u dooda ay madaxda maamulka iyo hoggaanka ciidanka Somaliland ay ku eedeeyeen inay xasuuq shacab ka gaysteen magaalada Laascaanood, waxaa cunaqabatayntii caalamiga ahayd iyo cadaadiskii beesha caalamku ay Muuse Biixi saareen kaga hagoogtay Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo si degdeg ah u magacaabay Ergaygii Wadahadallada Somaliland, Jabuutina laga furay shirarkii wadahadallada, taas oo looga gol lahaa in culaysyada caalamiga ah Muuse Biixi looga dhimo.

Dulucda

Haddaba, tan iyo markii uu Muuse Biixi Addis Ababa ku saxiixay is-afgaradkii sharcidarrada ahaa ee uu badda Soomaaliyeed ugu loogay Itoobiya, waxaa dhintay iscaashaqii-siyaasadeed ee kala dhexeeyey Geelle iyo Xasan Sheekh.

Heshiiskan oo ahaa mid halis ku ah jiritaanka Labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya, waxaa uu filan waa ku noqday hoggaanka labada dal, iyaga oo sida xoguhu sheegayaan ay labada Madaxweyne guddoonsadeen colaad ka dhan ah Muuse Biixi iyo maamulka Somaliland, waxaana sida muuqata Muqdisho iyo Jabuuti ka socda dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Somaliland oo aan hore looga baran hoggaannada labada dalka.

  1. Dhaqdhaaqa Maamulka Awdal ee ka socda Jabuuti
    Muddo bil ah waxaa dalka Jabuuti ku sugan Madaxda Maamulka dibad wareegga ah ee Awdal, iyada oo xoguhu sheegayaan in galka maamulkooda oo muddooyinkan Muqdisho yaallay hadda loo wareejiyey Jabuuti iyo Ismaaciil Cumar Geelle, oo halkaas ka wada abaabul lagu hubaynayo.

dhowaan Madaxa Maamulka Awdal ayaa ka qayb galay munaasabadda Maalinta Xornimada Jabuuti, waxaa la arkay dadweyne reer Jabuuti ah oo dabbaaldeg ku soo dhoweynaya hoggaaanka maamulkaas Cali Bixaar. Tani waxa ay muujinaysa sida ay u kala fogaadeen Ismaaciil Cumar Geelle iyo Somaliland oo muddo dheer ahaa xulufo siyaasadeed.

  1. Qaraarkii Khataraha Amniga Qaranka ee Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa 27 bishan Juun soo saartay qaraar ay Somaliland ku dartay khataraha Qaran ee uu dalku wajahayo. Dowladda ayaa markii koowaad u aqoonsatay aragtida goonni-goosadka ah ee Somaliland khatar qaran oo halis ku ah jiritaanka, dowladnimada, midnimida dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

Tallaabadan oo ah mid naadir ayaa u muuqata mid Madaxweyne Xasan Sheekh uga golleeyahay xoojinta dagaalka ka dhanka ah Muuse Biixi iyo maamulka uu u arrimiyo ee Somaliland, waxaana qaraarkani uu dhabbaha u xaarayaa in Dowladda Soomaaliya ay beegsan karto cid walba oo tageero u muujisa aragtida goonnigoosadka ah.

  1. Kulanka Xasan ee Xubnaha Somaliland iyo maqnaanshaha Cabdi Xaashi ee 26 Juun

Isla maalintii ay Xukuumadda FS ku dhawaaqday qaraarkii Somaliland ku suntay khatarta labaad ee Qaranka Soomaaliyeed, waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh kulan la qaatay Xubnaha Dowladda Federaalka ku metela Somaliland, isaga oo kala hadlay galka ilaalinta midnimada dalka iyo difaaca badda, taas oo u muuqatay inuu Madaxweynuhu ku deminayey guux ka dhashay qaraarka.

Waxaa xusid mudan in uu jirey cadaadis la saaray xubnaha metelayey Somaliland kaas oo ahaa inaysan ka hadal qaraarka khataraha amniga qaranka, aysanna sidii looga bartay wax difaaca ah u muujin Somaliland.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaan isaga oo ku sugan magaalada Muqdisho ka soo muuqan munaasabaddii 26 Juun ee lagu xusayey Maalinta Xornimada Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, waxaana warar hoose sheegayaan in uu tabasho uga maqnaa munaasabadda.

  1. Hanjabaadda Madaxda Maamulka Somaliland
    Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa hadallo adadag oo hanjabaad iyo eedayn u jeediyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jabuuti, waxa uuna sheegay inay labadu ba dagaal ku hayaan Somaliland, isagoo Jabuuti ku eedeeyey inay abaabulayso oo martigelisay jabhad Somaliland lagaga furo Gobolka Awdal, halka uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyey inuu duulaan kusoo wado Somaliland.

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe oo bartiisa Twitter-ka qoraal soo dhigay ayaa si kulul ugu hanjabay Jabuuti, isaga oo Ismaaciil Cumar Geelle ku tilmaamay keligii taliye abaabulaya jabhado Somaliland lagaga furayo Gobolka Awdal, loogana baahan yahay Somaliland inay iyaduna marti geliso Jabhada Ciisaha iyo Canfar ee mucaaradka ku ah Geelle.

Gunaanad

Haddaba, sida muuqata Markii dowladda Itoobiya oo midnimada dalka toos u faragelisay iyada oo adegsanaysa maamulka Somaliland, dhoowaanna la filayo in is-agaradkii sharcidarrada ahaa ee badda loo rogo heshiis, waxa ay Xasan Sheekh ku riixday inuu dagaal toos ah oo uu la kaashado Jabuuti la galo maamulka Somaliland, taas oo tallaabo qaadkeedu ka muuqato dhammaan qodobbadan aan kor ku soo xusnay.

Ugu dambayn, waxqagaradka Soomaaliyeed ee arrinkan isha ku haya ayaa tilmaamaya in tallaabo kasta oo loo qaado ilaalinta midnimada iyo difaaca badda, isla markaasna looga hortago aragtiyaha goonnigoosadka ah, ay badbaado u tahay wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Going to China: A Lesson in Modernization for Africa, Not an Opportunity for Beseeching

The increasing demand for Africa’s vast natural resources has led to a modern-day scramble by both big powers and middle powers alike, echoing the...

AGAASIMAHA GUUD EE VILLA SOMALIA OO QARKA U SAARAN IN UU ISCASILO

Maalmahan Madaxtooyada Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka taagan Jaah wareer xoog leh oo ku saabsan dhanka maamulka Xafiiska Warfaafinta Villa Somalia, Agaasimaha Guud ee...

XALAALAYNTII GALMUDUG IYO XUJADA SSC-KHAATUMO EE XASAN SHEEKH

Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dadaal fara badan oo isugu jira Wakhti, dhaqaale, iyo dib u heshiisiin ku bixiyay muddo-xileedkiisii hore dhismihii Dowlad Goboleedka...

ETHIOPIA’S AGGRESSION TOWARDS SOMALIA: ROLES OF EGYPT AND TÜRKIYE?

The illegal Memorandum of Understanding (MoU) signed at the start of 2024 between Ethiopia and a tiny secessionist group in northern Somalia’s Somaliland region,...

UGU CAANSAN

1,200FansLike
3,400FollowersFollow
4,000SubscribersSubscribe
Mogadishu
broken clouds
28.9 ° C
28.9 °
28.9 °
74 %
5.1kmh
75 %
Thu
29 °
Fri
27 °
Sat
28 °
Sun
27 °
Mon
27 °

Get important news delivered directly to your inbox and stay connected!