XILDHIBAANNADA PUNTLAND IYO JUBBALAND OO XAALAD CABSI AH KU WAJAHAYA MUQDISHO IYO XIL. XASAN YARE OO XABSI GURI KU JIRA 

0
Xildhibaannada Puntland iyo Jubbaland oo Xaalad Cabsi ah Ku Wajahaya Muqdisho iyo Xil. Xasan Yare uu Xabsi Guri Ku Jira
Xildhibaannada Puntland iyo Jubbaland oo Xaalad Cabsi ah Ku Wajahaya Muqdisho iyo Xil. Xasan Yare uu Xabsi Guri Ku Jira

MUQDISHO (ISBAHAYSI) – Xildhibaannada Puntland iyo Jubbaland ku metela Dowladda Federaalka ayaa xaalad cabsi ah ku wajahaya Muqdisho, iyaga oo la kulmaya hanjabaado abaabulan oo ka imaanaya shaqsiyaad ku hadlaya af beeled iyo xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo sidoo kale, xildhibaan Xasan Yare oo ka tirsan xildhibaannada laga soo doorto Jubbaland uu xabsi guri ku jiro tan iyo 27-kii bisha noofeembar.

Xildhibaanka oo ay dowladdu amartay in la soo xidho ayaa muddo toddobaad ka badan gabbaad ahaan ugu xanniban guriga madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. Xildhibaan Xasan Yare ayaa lagu haystaa ka dib markii uu Dowladda kaga aragti duwanaaday arrimaha Jubbaland iyo doorashooyinka.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada labada gole oo deegaannadan ka soo jeeda ayaa maalmahan ku hawlanaa sidii loo furdaamin lahaa xaaladda Xildhibaan Xasan, iyaga oo sida ay Isbahaysi heshay la kulmay Madaxwene Xasan Sheekh kalana hadlay inay sharci darro tahay handadaadda lagu hayo xildhibaanka, aanna la xiri karin, waxaanay xoguhu ay sheegayaan inay ilaa hadda wax natiijo ah ka gaarin dadaallada ay wadeen.

Dhanka kale, xildhibaannada Goleyaasha Sharci dejinta ku metelada Puntland iyo Jubbaland ayaan wax door ah oo muuqda ku lahayn doodaha siyaasadeed iyo shaqooyinka ka dhex socda Golaha Baarlamaanka, iyada oo xubno k tirsan xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh ay si aan gabbasho lahayn fagaare uga sheegeen inaan cidna loo joojinayn, waqtina aan lagu bixinayn cid kasta oo qabta ra’yi ka duwan midka dowladda.

Dhowaan ayay ahayd marka iyada oo inta badan xildhibaannada  metela Jubbaland oo shir wadatashi ah Kismaayo ugu maqan baarlamaanka la marsiiyey shuruuc masiiri, taas oo muujinaysa sida aan loogu joojinayn muhiimna loogu arag dowrkooda metelaadda deegaannadooda iyo dowlad-dhiska dalka. 

Arrimahan ayaa soo ifbaxaya iyada oo muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh lagu xusuusto dilal badan oo loo gaystay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, halka xubno kalena la xiray iyaga oo xasaanad leh oo aan la marin hannaankii sharciga ahaa.