Friday, September 20, 2024
25.2 C
Mogadishu

XILDHIBAANNADA SOOMAALILAND OO QAADAY WADDADII AY HORE U QAADEEN XILDHIBAANNADA PUNTLAND

(Isbahaysi- Muqdisho) Xildhibaannada ka soo jeeda Puntland iyo Soomaaliland oo door weyn ku lahaa dib u doorashada Madaxwaweyne Xasan Sheekh ayaa haatan u muuqda kuwo quus ka taagan dowladdiisa, kaddib markii ay ku guul darreysteen in ay ka furdaamiyaan gabdhaha Xildhibaannada ah ee ka soo jeeda deegaannadooda oo uu hor istaagay Madaxweyanuhu in ay magaca Soomaaliya ku matalaan fagaareyaasha Afrika iyo Caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wajahaya dhaleecayn weyn oo ku saabsan in uu ka hor istaagay haweenaydii Labaad ee Soomaaliyeed in ay tartanto xil caalami ah.

Xildhibaan Fowsiyo Xaaji Aadan iyo Xildhibaan Marwo Bashiir, oo labaduba haystay fursado waaweyn oo ay ku guuleysan kareen ayaa la kulmay caqabado siyaasadeed iyo maamul oo Madaxweynuhu uu kaga hor istaagay hankooda matalaadda Soomaaliya.

Xildhibaan Fowsiyo Xaaji Aadan, oo hore u soo noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, ayaa doonaysay in ay u tartanto kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Afrika, balse shir Jaraa’id oo ay Muqdisho ku qabatay ayey ku caddaysay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu si bareer ah u diiday in ay tartankaas gasho, isagoo u sheegay in uu Jabuuti u tanaasulay, codka Soomaaliyana la siinayo.

Sidoo kale, Xildhibaan Marwo Bashiir, oo ka soo jeedda Puntland, ayaa dhammadkii sannadkii tagay waxaa hankeedii dhabarka ka jabiyey Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa, oo ka door biday musharax ka soo jeedda Tansaaniya.

Madaxwaynuhu in uu dalal shisheeye labo jeer ka door bido in gabdho Soomaaliyeed ay ku guuleystaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Afrika iyo Caalamka ayaa dhaawacaysa rajada haweenka Soomaaliyeed ay ka qabeen siyaasadda iyo dowladnimada.

Going to China: A Lesson in Modernization for Africa, Not an Opportunity for Beseeching

The increasing demand for Africa’s vast natural resources has led to a modern-day scramble by both big powers and middle powers alike, echoing the...

AGAASIMAHA GUUD EE VILLA SOMALIA OO QARKA U SAARAN IN UU ISCASILO

Maalmahan Madaxtooyada Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka taagan Jaah wareer xoog leh oo ku saabsan dhanka maamulka Xafiiska Warfaafinta Villa Somalia, Agaasimaha Guud ee...

XALAALAYNTII GALMUDUG IYO XUJADA SSC-KHAATUMO EE XASAN SHEEKH

Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dadaal fara badan oo isugu jira Wakhti, dhaqaale, iyo dib u heshiisiin ku bixiyay muddo-xileedkiisii hore dhismihii Dowlad Goboleedka...

ETHIOPIA’S AGGRESSION TOWARDS SOMALIA: ROLES OF EGYPT AND TÜRKIYE?

The illegal Memorandum of Understanding (MoU) signed at the start of 2024 between Ethiopia and a tiny secessionist group in northern Somalia’s Somaliland region,...

UGU CAANSAN

1,200FansLike
3,400FollowersFollow
4,000SubscribersSubscribe
Mogadishu
scattered clouds
25.2 ° C
25.2 °
25.2 °
87 %
6.2kmh
27 %
Fri
27 °
Sat
28 °
Sun
28 °
Mon
27 °
Tue
27 °

Get important news delivered directly to your inbox and stay connected!