Thursday, September 19, 2024
25.4 C
Mogadishu

XOGAHA DAHSOON EE KU GADAAMAN KURSIGII HOP-086 IYO KAALINTA UU KU LAHAA MADAXWEYNE GUUDLAAWE XAYIRAADDA KURSIGAAS

XOGAHA DAHSOON EE KU GADAAMAN KURSIGII HOP-086 IYO KAALINTA UU KU LAHAA MADAXWEYNE GUUDLAAWE XAYIRAADDA KURSIGAAS

(Nairobi, Isbahaysi) Buug la magac baxay Garsoore Garoon aan Sharci ka Jirinoo uu qoray Guddoomiyihii hore ee Guddiga DoorashooyinkaDadban ee loo yaqaanay FEIT Mudane Maxamed XasanCirro ayaa galabta lagu soo bandhigay magaalada Nairobi.

Buuggan oo ka hadlaya dhacdooyin la yaab leh oo aan horebulshada loogu soo tabin ayaa waxaa kamid ah kuwa uguxiisaha badan Kursiga tirsigiisu ahaa 86 ee uu ku guuleystayFahad Daahir Axmed balse natiijadiisa la hor istaagay markiidambe, wuxuuna daaha ka rogayaa in MadaxweynahaHirshabelle Cali Guudlaawe inuu ahaa shakhsiga qandaraaskakusoo qaatay hakinta kursigan, eedda ugu wayna uu isaguleeyahay.

Bogagga 88 ilaa 94 ee buugga waxa uu qoraagu kufaahfaahinayaa shirqoolo loo abaabulay doorashada kursigan ooay ka shaqeeynayeen qaar kamid ah ilaalada MadaxweynahaHirshabelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe, iyadoo iskudaygaasfashilmay markuu uu dhagartaasi la wadaagay hay’adahaamniga oo xogtan uu usoo dusiyay askri ay ehel yihiin oo kamidah kuwa loo xilsaaray inay fuliyaan dhagartaas.

Buuga wuxuu kaloo iftiimiyay in ilaa 3 dowladadood oo uusanmagacyadooda si toos ah uusan u sheegin ay siyaabo kala duwandhaqaale ugu bixiyeen sidii looga hortagi lahaa in kursigan uuqaato Fahad Yaasiin, taasoo ka bilaabatay afduubkii Fahad loogugaystay Jabuuti keddib markii diyaaraddii siday lagala dagay.

Waxaan qeybahan hoose kusoo qaadanayaa sida buuga looguqoray wada hadalladii dhexmaray Guddoomiye Cirro iyo xubinkatirsan Guddiga Hirshabelle iyo telefoon dhex maray Fahad Yaasiin iyo Cali Guudlaawe. Hoos ka akhri qeyb kamid ah qoraalka buugga.

“Sida qof walba ogyahay doorashada awoooddeeda waxay gacanta ugu jirtay MadaxdaMaamul Goboleedyada, waana siday iyagu qorteen oon cid ka daba hadlin, mana dhicikarin in kursi la xannibo, ayadoo aysan la soconin raalli ahaanshaha Madaxweynahamaamulkaas. Kursigaan waa kan keliya ee uu si toos ah isu hor taagay madaxweynihiilahaa, wuxuuna ahaa cabaqadda rasmiga ah ee ka danbaysay in la xannibo kursiga.

“Fahad oo ahaa qofka u tartamay, kuna guulaystay, wuxuu ka soo badbaaday dhowrshirqool oo uu ka mid yahay xanibaaddii garoonka Jabuuti. Waxaa kale oo jirayshirqoollo kale oo khatar badnaa. Inta xogaha iga soo garay arrinta shirqoolada wakhtigitartanka doorshada uu ku jray waxaan ka sheegi karaa sheekadaan.

“Gabalgaab qoraxdii ay wali soo jeedo, taariiqdana waa Febaraayo 17, 2022, waxaan kusugnaa magalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, xarun guryihii Boqoradiidowladdii Cismaaniyiinta oo dhismayaal qadiim ah oo dhagaxyo qalalan oo waaweyn ka samaysan oo buur dhakadeed ku taal. Saaxiibkay Axmed oo Turkiya igu soo dhoweeyeyayaa meesha i keenay, ujeedkuna wuxuu ahaa ogaanshaha goobaha taariikhiga ah. Annagoo meel kore oo furan taagan, dadyow kala dhalasho iyo midab duwan sawirro kumashquulsan yihiin ayaa telefoonkayga dhowr mar soo dhacay, saaxiibkayga oo wax sharaxaya ayaanse ereyadiisa dhuuxayaa, halka uu hadba farta iigu fiiqo ayaanindhahayga u taagayaa.

Telefoonkii wuu kala joogsan waayey, waana qabtay. Wuxuu noqday xubin muhiim ah oo ka tirsan Guddigii doorashada Hirshabeelle. Ima uusan salaamin, wuxuu kucelcelinayaa ma i maqlaysa, ma i maqlaysaa. Hadalkiisa waxaa ka muuqatay in culaysbadani haysto. Wuu degdegayaa, kala jarjarayaa, waxaa markiiba dhegahayga ku dhibcay”Guddoomiye xaggee joogtaa?” waxaan ka shakiyey hadalkiisa dareenka leh. HorayGuddiga Hirshabeelle wuxuu ahaa guddi kala qaybsan gartooduna marar badan ayey ii timid oon isku dayey in aan si hoose u xalliyo. Markii muran xallismo haddana mar kale ayuu dib u oogmayey, markastana waa kala cabanayeen oo khilaaf siyaasiyiintamaamulka Hirshabeelle dhex dhigeen ayaa walaaqayey, waxaan u qaatay in khilaafyadiiqayb ka mid ah oo sii cuslaaday uu ii soo wacay.”

Hadalkii ayaan u dejiyey ninkii telefoonka ku jiray, waana wareystay. Wuxuu igu yiri”Ninyow Fahad ayaa magalada yimid galabta, kursiga 086 ayuuna u tartamayaa, laakiinninkii Guudlaawe ahaa hawl kale oo shirqool ah ayuu wadaa. Marka ay codaynta tartankabilaabato waxaa la qorsheeyey in xabbad ka dhacdo hoolka, sidaasna laga kala cararo, laba ujeedo ayaana laga leeyahay; tan ugu muhimsan in meesha lagu khaarijiyo, haddiitaas ay dhici weydana tan xigtaa waa in tartanka kursigaas loo helo qiil culus oo lagulaalo doorashadiisa, hawshaasna waa degdeg ee wixii aad igala gaban karto igala qabo. Waxaan waydiiyey warka sidee ku heshay? Jawaabtiisii waxay noqotay “nin ka midaaskarta amarka hawsha la siiyey oon qaraabo hoose nahay ayaa isoo gaarsiyey.”

Maan beensan oo wixii taxadar amniga ah markasta in aad u qaadato mid run ah ayaandareensanahay. Waxaan ku iri hawsha ha yareysan. Waan aamusay ilbiriqsiyo, waxaanweydiiyey hawsha xubnaha kale ee Guddiga sidaas ma u og yihiin?” Maya, maya. Cid kale ma u sheegtay oo wax ma iska dhahdeen? Maya, maya ayuu yiri, waxaan u soojeediyey talo ah in siduu warkaan ugu sheegi karo dadka ay qusayso, gaar ahaansaraakiisha amniga doorashada uu degdeg u gaarsiiyo. Waxaa kale oo u sheegay in uuFahad laftigiisa arrinta u sheego. Wuxuu i weydiistay telefoono xubno gaar ah, lambaradii waa u diray. fariintaan uu i sheegay waxay i ilowsiisay in aan su’alihisii ka
jawaabo iyo eed markuu fariinta ii sheegay ka dhalatay oo maskaxdayda ku dhexwaregaysay, taasoo ahayd in wax aan ka soo dhex baxay uu iga daba keenay. Fahad Yaasiin ayaan wacay oo arrinta iyo sida xogta igu soo gartay ku war geliye. Waxaan kale oo u sheegay in xubinta guddiga ee xogta isoo gaarsiiyey uu degdeg ula xiriiro.

Saxibkay Axmed ayaan ku soo noqday annigoo beddelan, wuu dareemay in telefoonkahawl cusub la iiga soo sheegay. Guddoomiye ma dhib ayaa jirta ayuu i weydiiyey, anigoodhuunta candhuuf mari la’a ku khasbaya, doobta hungurigaygana kor iyo hoos ay u kala ordayso laga dareemayo in wax dhuuntayda mari la’ ligayo, ayaan u sheegay in ay tahaywax ku saabsan doorashadii. Inkastoo aan run u sheegay haddana xogta uma faahfaahin, wuxuu dareemay in wax aan ka qarinayo a jiraan. Iguma uusan soo celin war kale. Taariikhdii uu sharaxayey wuu joojiyey markuu arkay in dhiifoonaantii aan wax kudhegeysanayey iga luntay. Cabaar ayaan aamusay, anoo is weydiinaya jawaabta ninkiiaan siiyay in ay ku filan tahay wax ka qabashada arrinta iyo in kale. Boqolaal jawaaboodayaa hal mar maskadayda soo buuxiyey. Ninkii isoo wacay ayaan ku celiyey telefoonkii. Wuxuu ii sheegay in uu Fahad gaarsilyey warkii, madaxii amniga doorashada uu la hadlay.

Si hagaagsan ayaad yeeshay ayaan ku iri, anna in culays ay keentay fariintiisii degdeggaahayd iga degtay ayaan dareemay. Habeenkii ayaan markale is wacnay wuxuuna ii sheegay in uu u tegey Fahad oo ka mid ah murashaxiinta, uuna u sharaxay dhibka jiray, isagoo la joogana uu telefoon u diray Guudlaawe, uuna kala hadlay bedgabka goobta iyo
naftiisa, la islana gartay hawshii amniga goobta doorashada waxweyn laga qabtay, wuxuuse ii raaciyey hadal kaloo la yaablahaa.

Markii Fahad aan u tegey talaabadii koowaad ee uu qaaday waxay noqotay; toos ayuu u wacay Guudlaawe, wuxuu furay sameecadda taleefoonka oo wuxuu ku yiri, “MudaneMadaxweyne, barito amniga goobta doorashada waxan filayaa inaad xil wayn iska
saartay, ood hubisay wax kasta, waayo aniga adigaan isku kaa halaynayaa.”

Sidii qof hurdo ka salalay ayuu Guudlaawe yiri, “maxaa tiri? yaah, iigu soo celi hadalka.” Kolkasuu intuu ugu celiyay farriinii ugu soo daray hadalkii, “Mudane Madaxweynemaadaama goobta hay’ado kala duwan oo ciidamada ah awood u leeyihiin in ay soogalan, anigana aad ogtahay inaan cadow badan leeyahay, waxaan ku sheegayaa inaango’aansaday inaan kasoo tago dhammaan askarta iyo ciidanka ila socday xitaa ilaaladagaarka ah, goobta doorashadana aan soo gelayo anigoo kaligay ah. Sidaas darteed, amnigayga iyo amniga goobta adiga ayaan kugu halaynayaa, ee u xilsaar sarkaal aad kukalsoontahay, iina soo dir magaciisa iyo telkiisa si aan ula soo xiriiro.”

Guudlaawe hadalkii ayuu ku mergeday, “haa, maya. Een een. Fiiri Eeboow, runtaa waayecadow badan aa leedahay, walaahi wareer waaye, waxaan maxaa waaye, waayahayEeboow, aan kugu soo laabto, ama fiiri, maan si kale u dhigno,” intaas buu halmar iskasoo daba tuuray, wuxuu ku sii hadlay, “maad adigaba la wareegtid amnigaaga, oo aankuu amro sidaas, oo hoolka iyo goobtaba u dhiibno ciidankaaga.

Intuu Fahad ilka cadays qosol aan cod lahayn ah sameeyey ayuu ku yiri, “waa talo fiican, waadna ku mahadsantahay, sidaas baan yeelayaa ee ciidanka iyo gudiga iigu amar.”

Labaatan daqiiqo kaddib ayuu Guudlaawe soo wacay Guddigii oo isla fariintii noosheegay, waxaana la wareegay goobtii doorashada taliyihii amniga gaarka ah ee Fahad. Hadalkii ayaa xubintaan Guddiga ah la sii dheeraaday, warar kale oo aad u cuslaa ooqalbigaygu qaadan waayey siday u suuro gal u tahay ayuu ii sheegay, wuxuuna igu soo
Xiray, “Cirrow Fahad haddii kursiga loo doorto ma filayo in uu isbaaro la’aan nogondoono oo Guudlaawe cadaadis daran oo wadamo shisheeye iyo meelo kala duwan ugaimaanaya ayaa jira, annagu kursigaan sidii kuraasta klae doorshadooda u dhacayso ayuunbaanu u qabannaynaa.” Aniguu igu cedeyey in wakhti aad u xasaasi ah aan ka tegeyhawshii, ereyadiisana uma arkayn in ay muhiim ii yihiin. Alle ha idin guuleeyo, hana idinnabad yeelo ayaan ugu duceeyey, markaasaan u sheegay in aan wadanka ka maganahay.

Kursigan doorashadiisii waxa la gabtay Febaraayo 20keedii, 2022, waxaana ku soo baxayFahad Yaasiin Xaaji Daahir. Guddiyadii doorashadu waa wada joogeen, si furan oo tartan ah ayaana ay u dhacday doorashadiisu, cidina cabasho kama keenin. Fahad wuxuu kuqabay kalsooni iyo isku halayn buuxda, laakiin qandaraaska ugu weyn ee in la xanibokursigaas waxaa lahaa Guudlaawe oo qorshaha la dejiyey Rooble. Inuusan
xildhibaan noqon, waxaa maal gelin dhaqaale ku bixiyey ilaa saddex dowladood ookhatar weyn ka arkayey Fahad haddii uu noqdo xildhibaan wuxuu uga sii gudbayaaGudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka, taasoo sahli karta dib u doorashada Farmaajo, sababta kursigan loo xanibayna intaas ayey ahayd.

Subaxii xigtay Raysalwasaare Rooble wuxuu bogga Guddiga ku qoray in kursiga 086 doorashadiisa la hakiyey. Hadda go’aamada Guddiga waxaa laga garaa xafiiskaRaysalwasaaraha oo koox ayuu u samaystay, oo Guddoomiyiii Guddiga ee cusbaa wuxuuku khasbayaa in amarrada kooxda xafiiska Raysalwasaaraha ka soo baxa yihiin kuwarasmiga ah ee guddiga! Raysalwasare Rooble ayaa amar dul dhigay Guddigii, wuxuunaugu gooddiyey in uu kala dirayo guddiga haddii ay aqoonsadaan doorashada kursiga, waaintii uu anigaba iigu goodiyey doorashadii Xildhibaan Yaasiin Farey. Muddo ayaamuranka kursigani warbaahinta haystay. Makamadda Sare ayaa dacwadiisa dhegeysatay19 Abril 2022. Dadku indhahay u taagayeen go’aanka dacwadda. Cidda haysata kursigawaa koox siyaasad ahaan u hor taagan oo kaashanaya shisheeye. Waxaa tariikh xumo ka qaaday koox si xishood la’aan ah u qaadatay laaluush iyo musuq oo ah Guudlaawe iyoRaywaslwasaare Rooble oo hor istagtay natijada, mana ka jawaabi karaan sababta.

Bulshadu waxay eedeysaa Gudoomiyihii Guddiga Doorashada, isaga mar horaa la qaatayawoodiisa oo cabsi gelin lagu sameeyey, wuxuuna ahaa nin mar hore iibsadayqofnimadiisii.

Makamadda Sare way degeysatay kiiskii. Halkii go’aan laga sugayey waxay soo saartaywarqad ay ku sheegayso in aysan xaq u lahayn in ay dhegeysato kiis ku saabsandoorashada. In aan loo dacwoon ayaaba ka qummanayd oo kiiska cidda haysatay ayaago’aankani u sii xalaaleeyey.

Fiiro gaar ah:

Qoraalkan oo dhammeystiran waxaa laga heli karaa Buugga Garsoore Garoon aanSharci Ka jirin ee uu qoray Maxamed Xasan Cirro, bogaggiisa 88 ilaa 94.

Going to China: A Lesson in Modernization for Africa, Not an Opportunity for Beseeching

The increasing demand for Africa’s vast natural resources has led to a modern-day scramble by both big powers and middle powers alike, echoing the...

AGAASIMAHA GUUD EE VILLA SOMALIA OO QARKA U SAARAN IN UU ISCASILO

Maalmahan Madaxtooyada Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka taagan Jaah wareer xoog leh oo ku saabsan dhanka maamulka Xafiiska Warfaafinta Villa Somalia, Agaasimaha Guud ee...

XALAALAYNTII GALMUDUG IYO XUJADA SSC-KHAATUMO EE XASAN SHEEKH

Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dadaal fara badan oo isugu jira Wakhti, dhaqaale, iyo dib u heshiisiin ku bixiyay muddo-xileedkiisii hore dhismihii Dowlad Goboleedka...

ETHIOPIA’S AGGRESSION TOWARDS SOMALIA: ROLES OF EGYPT AND TÜRKIYE?

The illegal Memorandum of Understanding (MoU) signed at the start of 2024 between Ethiopia and a tiny secessionist group in northern Somalia’s Somaliland region,...

UGU CAANSAN

1,200FansLike
3,400FollowersFollow
4,000SubscribersSubscribe
Mogadishu
clear sky
25.4 ° C
25.4 °
25.4 °
90 %
7.1kmh
0 %
Fri
27 °
Sat
28 °
Sun
28 °
Mon
27 °
Tue
26 °

Get important news delivered directly to your inbox and stay connected!