Muqdisho (ISBAHAYSI) – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa xalay kulan muhiim ah la qaatay Madaxda Siyaasadda Puntland. Sawirka oo ka dhacay magaalada Garoowe ayaa waxaa ka muuqday xubno kala ah Mideeye, Horseed, Sincad, Ifiye, Mustaqbal, Shaqaalaha, Runcad iyo Kaah, iyada oo heshiis looga gaarey ay u dhici lahayd 3 da degmo ee ka dhinnaa doorashada qof iyo cod ee Deegaanka Puntland.
Kulanka ayaa lagu soo saaray u diyaar garowga Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee jiida Garoowe, Dangoroyo, Godabjiiraan. Madaxda Xisbiyada Dowladda Puntland ayaa isku raacay in doorashada degmo la qabto inta ka hor 1-da August 2024, taas oo qeyb ka ah booska doorasho qof iyo cod ah oo hufan.
Saddexdan degmo ayaa albaabkii waxaa hor istaag ku sameeyay Madaxweyne Deni oo diidanaa hanaankii uu u waday doorashada Madaxtinnimada Puntland. Madaxweyne Deni, ayaa sida la sheegay kulanka ka bogaadiyay Xisbiyada Siyaasadda Puntland, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda iyo sida ay uga go’antahay in doorashada lagu qabto waqtiga loogu talagalay. Wuxuu xusay in xaaladdaasi ay muhiim u tahay Dimuqraadiyeynta Puntland iyo dagaalka in shacabka ay dooranayaan hoggaankooda si xor ah oo hufan.
Dhammaad