Home DUNIDA GEESKA AFRICA SHABAKADDA WARBAAHINTA ISBAHAYSI OO WASAARADDA WARFAAFINTA UGA MAHAQ CELISAY AQOONSIGA IYO SHATI SIINTA SHABAKADDA 

SHABAKADDA WARBAAHINTA ISBAHAYSI OO WASAARADDA WARFAAFINTA UGA MAHAQ CELISAY AQOONSIGA IYO SHATI SIINTA SHABAKADDA 

0
SHABAKADDA WARBAAHINTA ISBAHAYSI OO WASAARADDA WARFAAFINTA UGA MAHAQ CELISAY AQOONSIGA IYO SHATI SIINTA SHABAKADDA 
Shabakadda Warbaahinta Isbahaysi

Muqdisho (Isbahaysi) – Agaasinka iyo dhammaan bahda Shabakadda Warbaahinta Isbahaysi ayaa mahadnaq u diray Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii Wasaaraddu ay aqoonsi iyo shati siisay shabakadda Isbahaysi oo ah hay’ad warbaahin oo madax-bannaan.

Maxamed Axmed Ilkaacase, Agaasimaha Shabakadda Warbaahinta Isbahaysi, ayaa yiri: “Aniga oo ku hadlaya magaca dhammaan bahda Shabakadda Warbaahinta Isbahaysi, waxaan si weyn uga mahadcelinayaa Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska ee DFS, aqoonsiga iyo shati siinta Shabakaddeenna Isbahaysi oo ah hay’ad warbaahin oo madax-bannaan. Waxaan rajaynayna in aannu sii wadno xiriirka iyo wadashaqaynta Wasaaradda ee ku aaddan horumarinta saxaafadda Soomaaliyeed ee madax bannaan.”

Dhammaad

Shabakadda Warbaahinta Isbahaysi oo Wasaaradda Warfaafinta Uga Mahaq Celisay Aqoonsiga iyo Shati Siinta Shabakadda